LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

AXKAAMU SIYAM

 


WAXA AYANU KUSO GUDO JIRNAY KITAABKEENI  SU'AALAHA IYO JABAHA AHAA     

(AXKAAMTA SOOMKA IYO SAKAATUL FIDRIDA)


 SU'AASHA  22AAD: 

WAAMAXAY XUKUMKA IN SOONKA LAXIDHIIDHIYO?

 Soomka in wax kabadan maalin laysku xidhiidhiyo, o halki habenka la afurilaha  uu qofku af-haysanaayo si uu malinta ku xigta ugu sixidhidhiyo. Soomka caynka ahi ma banaana. Sabata oo ah , nebigu  salalaahu calayhi wasalam.  Waa uu reebay. Sida oo kale wa sida ay qabaan badanka culimadu.


>>نهى  رسول الله صلى الله عليه وسلم، عن الوصال<< منتفق عليه 

(( RASUULKU WAXA UU REEBAY IN SOONKA LAXIDHIIDHIYO))

 ,, RASUULKU salalaahu calayhi wasalam. Xidhiidhinta uu soonka waqtiyada qaar xidhidhiyay  waxa ay ahayd mid khaas u ah  isaga oo ay san ummadda inta kale lawadaagin.


SU'AASHA 23AAD:

SOONKU MUXUU KUBURAA?

Soonka dhawr arrimood ayaa buriya,  waxana ka mid ah;

1))CUNISTA IYO CABISTA SI BADHEEDH AH,  ALLAH WAXA UU YIDHI:-

وكلوا واشربوا  حتى يتبين لكم الخيط التبيض من الخير الأسود  من الفجر)) البقرة:١٨٧

 ,, CUNITAANKA IYO CABITAANKA WADA ILAA AAD  WAAGA BARIGIISA KAHUBSATAAN,,

 waxa ayyada laga qadanayaa haddi ay subaxnimada gaadho in ay mum nuuc noqonayso in wax la cunaa.


2)) WAX KASTA OO CALOOSHA GADHA SOONKU WAA UU KU JABAA .

Haddi uu qofku sanka wax kaqaato ,  ama afkaba wax kaqaato  yaanay ahaanba wax la cunee, oo sidad shaygasi caloosha ugu dhadhoco , waa uu jabaya soonku .


Nebigu  salalaahu calayhi wasalam.  waxa uu yidhi :-

 ،،وبالغ في الاستنشاق إلا انتكون صائما،،

(SANDARSIGA KU XEEL DHEEROOW MOOYANE IN AAD SOOMANTAHAY) 

 waxa waqtiga soonka  san-daarsiga in lagu xeeldheerado  la inooga reebay, si aysan wax kamid ah biyuhu ugu baxsan oo soonku uga jabin.


3)) DHIIGGA CADADA IYO DHIIGA DHALMADA.

labadaas dhiig gabadhu haddi ay kusugan tahay

Maso mi karto  soon. Haddi uu kayimaado iyada oo soomana , soonku waa uu kajabayaa oo uma banaana gabadha in ay soonka sii waddo, inta maalinta kahadhay, inta ay doonto hanoqote.waana in ay soo qallayso soonka maalintaa.


4)) WIXI WAXTARKA KALA MID AH CUNTADA IYO CABITAANKA SIDA , SAYLOONADA AMA FALEENBOOYINKA LAYSKU MUDO (DURO)

Culimadu iyana waxa ay tilmaaneen in ay soonka jabinayaan, madama oo uu qofku kaga marmi karo cunnada iyo cabitaanka isticmaalkooda.


5)) GALMADA:

galmadu waxa ay kamid tahay waxyaba soonka buriya isla markana kafaaro gud ka waa jibaayo haddi uu soonku yahay mid waajib ah oo bisha ramadaan ah.

 Kafaaro gudku waxa uu noqonayaa in uu addoon xoreeyo,  haddi uu qofku heliwayo addoon uu xoreeyo  sida ayna u jirin manta oo kaleba,  

Waxa uu soomaya laba bilood oo sanka isku haya ( xidhiidh ah)   taas haddi uu awoodi kari waayo , waxa uu quudinaya  60 miskiin .

Qofka galamada soonka bisha Ramadan ku jabiya  waxa sidoo kale saaran in uu soo qalleyo maalintii u buriyay soonka .


6)) ISKA MATAJINTA.

 wax yabaha kale ee soonka buriya waxa ka mid ah in uu qofku iska matajiyo

 nebigu  Salalaahu calayhi wasalam. waxa uu yidhi :-

من ذرعه القيئ فلا قضى عليه،  ومن اساقاء فعليه  القضاء،،

 ,, QOFKA UU KA AWOOD BATO MATAGU AMA XEJISAN KARI WAAYA QALLE MASAARNA ,  QOF ISKA MATAJIYANA HASOO QALLEYO.,,

waxa sido kale fatwooday sidan ,  kooxo badan oo  kamid ah saxaabadii nebiga  salalaahu calayhi wasalam  .


7)) BIYAHA OO LAYSKA KEENO.

 In biyaha ( manida)  iska keena waxa ay ka mid tahay wax yabaha soonka buriya waxa sida qaba badanka culimada, oo ay ka mid yihiin afarta madhab . Culimada qaar ka mid ahina  in sidaas ay tahay mid laysku waafaqsanyahay oo an wax khilaafi ku sugnayn. Culimada qaarkood  waxa ay daliishadeen xadiiska   uu nebigu   salalaahu calayhi wasalam.  Yidhi:-

,, إنما يترك شهوته وطعامه وشراب من اجلي،،

,,WAXA KALIYA EE UU UGA TEGAYAA SHAHWADIISA,  SHARABKIISA IYO CUNTADIISA ANIGA DARTAY,,


Goorta uu soonku ka jabaya, waa marka uu biyaha si badheedh ah iskaga keeno isga oo sooman, qabka uu doonayo ha isticmaale. Hase yeeshee haddi ay kaga yimadaan  Gordon uu seexday gudeheed ama keliya feker uu layimi , kuwaas soonku ku burimaayo.


8))IN UU LA CIYAARO XAASKISA :

hadii uu laciyaaro xaaskiisa ama ay dhunkato ama la ciyaaro oo ay dhacado in ay says biyuhu   (manidu)kaga yimadan, iyana soonka waa ay ka burinaysaa .


9)) WAALLIDA AMA SUUXDINTA:  hadii uu kafa caqliguusu tago oo uu waasho,  in yarna hano qotee,  qofkaas soonku waa uu ka jabayaa. Sabata oo ah wax waajib ah oo saarani majiro wax denbi ahna loo qori mayo.  Nebigu  salalaahu calayhi wasalam. Waxa uu yidhi:-

رفع القلم عن ثلاث ............وعن المجنون حتى يعقل،،

Qofku haddi uu suuxo ( miyir beelo) oo uu suuxsanado maalintii oo dhan,  soonku ka asixi maayo .maalinta sidaas ku dhaaftayna waa in uu soo qalleyaa.

10)) HADDI SOONKA FARALKAA AAN LAXIDHAN  GOOR HABEENIMO AH  AMA  habeenka oo isku jira ( waaberiga ka hor) ama laga shakiyo goorta laxidhay In waa gii baryay ( dillaacay)Sababta oo ah, soonka faralka ah waxa shardi u ah in waaga kahor laniyoodo  mar haddiinuu waaga kahor niyoodo ama uu kashakiyay in uu waaga kahor niyooday soonkasi uma guntana .


11) KU XEEL DHEERANSHAHA SAN DAARSIGA.haddi uu ku xeel dheerado oo ay dhacado in biyaha wax kamid ihi aya ku baxsadaan, soonku waa uu ka jabaya , sabata oo ah waxa uu khilaafay xadiiskii nabiga   ee sheegayey   in aan lagu xeel dheeraan sandaar siga marka la sooman yahay.


12)) GAALNIMADA.

QOfku isaga oo sooman haddii uu ku dhoco shay gaalnimo ah soonku waa uu ka burayaa.




Post a Comment

0 Comments