![]() |
بسم الله الرحمن الرحيم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
WAXA AYNU QADAYNAYNA MANTA HADDI ALLE KADHIGO DARSI KA MID AH , DURUSTI AXKAAMTA SOOMKA.
SU'AASHA 39AAD:
ILMAHA YAR EE LA SOOMIYO, AJARKA SOONKA MA ILMAHA AYAA LOO QORAYAA MISE WAALIDKA SOOMIYAY?
Ajarka soonka ilmaha yar ee wax kala garanaya uu soomo. Ilmaha ayaa loo qorayaa ajarka. Waxa noqotay mid caan baxday in la yidhaahdo:'
,, ILMAHA YAR AJAR LOOMA QORAYO EE WAALIDKA AYAA JARKIISA LOO QORAYAA,;
taasi waa mid xadiiska ka hor imanaysa, nebiguna salalaahu calayhi wasalam. Waxa uu sheegay in ilmaha yar ajarka soonka loo qorayo. Walidkuna yeelanayo ajarka amrida iyo ku tarbiyeynta.
SU'AASHA 40AAD:
DADKA XEEBAHA KU SOOMA AJARKOODU MAKA BADAN YAHAY DADKA AAN KU SOOMIN?
Dadka xeebaha ku sooma maadaama oo ay kadhib badan yihiin dadka an ku soomin, waa ay ka ajar badanayaan.
Nebigu salalaahu calayhi wasalam. Waxa uu yidhi:-
،،ان لك من الأجر على قدر نصبك،،
AJARKAAGU WAXA UU NOQONAYAA INTA DAALKAAGU NOQDO.,,
Dhibata uu ajarku ubadanaayo qofka , waa dhibaato aanu doondoonan ama raadsan si uu ajar uga helo ee waa in ay tahay dhib ka dhalatay samaynta cibaadada uu la imanayey.
In uu qofku bish ramadaan u safro dhulka xeebaha ah si uu ajarku ugu kordho, waa mid aan haboonayn, mana ah tii lagu helayey ajarka badan.
SU'AASHA 41AAD:
QOFKU HADDII UU WAX CAAYO AMA XANTO SOONKU MA KA JABAYAA?
qofku haddi wax caayo ama xanto, soonkiisu kama jabayo ee ajarka ayaa ka yaraanaya, taasna waa sida ay qabaan culimada badankoodu oo ay afarta mad'habboodna ka mid yihiin.
IMAAMU AXMED waxa uu sheegay haddi dunuubtu dhamaan soonka burinayaan, cid uu soon u jirilaha in uu san jireen.
Qofka sooman waxa u habboon in uu soonkiisa ilaashado, wixi ku sababaya in uu ka jabo ama ajarka soonka u kayaraado waa in uu iskaga fogaado.
SU'AASHA 42AAD:
HADDI LAGULA DAGALAMO ADIGA OO SOOMAN SE AANAD MARKAA LADAGALAMIN HASE AHATEE AAD KU NADARTO INAAD LADAGALAMI DOONTO, XUKUN KEEDU MUXU NOQONAYAA?
In qofka sooman lala dagalamaa, laba xaaladood uun bay noqon kartaa.
1)XAALADA 1AAD: in aan gacan lasaarin.hase yeeshee, saansaan dagaal loomujiyey.xaaladaas oo kale waa uu iska abhinaya qofka nebiga salalaahu calayhi wasalam. Waxa uu yidhi:-
:وان مرؤ قاتله او شاتمه فليقل
،،إني صائم مرتين
HADDI QOF SAANSAAN DAGAAL LOLA YIMAADDO AMA LA CAAYO, HA YIDHAAHDO : WAAN SOOMANAHAY LABA JEER,,
2)XAALADDA 2AAD: in gacanta loola yimaado oo lagu bilaabo dagaal . Markaasna qofku waxa uu iskaga difaacaya sida hadba uu qofkani ku nabad gelin karo.
QOFKA UMA HABOONA IN UU KU NADRO IN UU QOF KALE LADAGALAMAYO. WAAYO IN AAD KU NADARTAA AMA AAD GO'AAN SATAA INAAD LADAGAALANTAY AYAA AY LA MID TAHAY.
0 Comments