![]() |
بسم لله الرحمن الرحيم
WAXA AYNU KU GUDO JIRNAY CASHARADEENII TAXANAHA AHAA EE KITAABKA AXKAAMU SIYAAM
SU'AASHA 20AAD:
QOFKII ISAGA OO AAN SOONKI NIYAYN WAAGU KA CADAADO, MIYUU ISKA CUNAYAA MALINTA MISE WAA UU AF XIDHNANAYAA?
Marka hore qofku waa in aanu niyadda lasugin soodhawaadka wa in uu habeenkasta kuseexdo
Niyadda soonka malin kasta oo ramadaan ah. Niyaddana inlagu dhawaaqo looma shardiyo.
Haddi ku tala galkiisu yahay in uu soomo, suxuurta ha u too so ama yanu utoosine soonkasi waa uu u guntanyahay.
Haddi ay dhacado in isaga oo aan niyaysan waagu ka caddaado, maalintaas uma banaana in uu wax cunaa, waa in uu af- haystaa, xurmada ay malintan ramadaan leedahay awgeed. Malinta sidas ku dhaftayna waa in uu soo qalleeya . Nebigu salalaahu calayhi wasalam. waxa uu yidhi:-
من كان منكم صائما فليتم صومه، ومن كان اكل فلا يأكل بقية يومه،، أخرجه مسلم
(KU KASTA OO KU WAABARISTA SOON, HADHAMAYSTIRO SOONKIISA, KII WAX CUNAYEYNA YANU WAXBA CUNIN MAALINTAA INTA KAHADHAY.)
Nebigu salalaahu calayhi wasalam. Waxa uu sidan kalaha malinta cashuura oo Ramadan inta aan lawajibin kahor waajib ahaa.
SU'AASHA 21AAD:
QOFKI CUDUR DAR KU AFURAYEE CUDURDAARKI MAALINTA DHEXDEEDI KATEGAY, SIDA GABADHII MALINTA DHEXDEEDII DAAHIR NOQOTAY AMA QOFKII SOCDAALKA AHA EE SOO GURYO NOQDAY. SIDE AYAA AY YEELAYAAN? MAALINTA INTA KAHADHAY IN AY AF-XIDHNADAN MAKU WAAJIBBAA?
Qofka cudurdaar hore ugu afuray ee uu kategay cudurdaarku maalinta gudeheeda, waajib kuma aha in uu af- haystaa lakin waa loo sunneyaa
Xurmada malinta ramadaan darted. In uu iska sii afurnadana waa ay u banantahay. Sababta oo ah cudurdaar sharci ah ayaa uu ku afuray.
.jpg)
0 Comments