LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

SU'AALO IYO JAWAABO



 بسم الله الرحمن الرحيم 

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته  صباح الخير 


WAXA AYNU KU GUDA JIRNAY DERSIGEENI TAXANAHA AHAA .EE KITAABKA

( AXKAAMTA SOONKA IYO SAKAATUL FIDRIDA)

 Waxa aynu ka qadaynaa  darsiga 28 tanaaad ama su'aasha 28aad:



SU'AASHA 28AAD:

HADII QOFKA EDAANKA LABAAD EE SALADA SUBAX LOO EE DAAMO,  KADIBNA UU KA SHAKIYO MARKUU WAAGI BARYAY,  MASII WADI KARAA CUNISTA IYO CABISTA?


Hadii qofka ee daanka labaad ee salada subax loo eedaamo , kadibna uu ka shakiyo in waagu baryey,  wa sii wadan karaa cunista iyo cabistaba, sababta oo ah, qofku waxa uu hubby in uu habeen ku jiray,  shakiga ku yimi in ay maalin noqotayna, kama filna in uu hubaashii kaga tago,  oo ay cunisti iyo cabisti xaran kanoqot. 

Allah waxa uu yidhi:- 

وكلوا واشربوا حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود) من الفجر)

( CUNITANKA IYO CABITANKA WADA ILAA WAAGA BARIGIISA AD KA HUBSATAAN)

 Waxa la xalaaleyay in cunista iyo cabista la wado ila malinta iyo habeenku ay kala cadanayaan.

Laynama farin ilaa laga shakinayo.

Cabdilaahi  ibnu cabbaas  waxa uu yidhi:-


كل  ما  شككت  حتى لا تشك <<

 وفي  رواية  عنه

 احل الله  لك الشراب  ما شككت حتى لا تشك >>


( CUN INTA AAD SHAKINAYSO ILA LAGA GAADHAYO IN  TA AANAD SHAKIYEYN)

waxa uu ibnu cabaas tilmaamaya in uu wadayo cunista iyo cabista inta uu shakisan byahay, kaliya uu iska joojinayo marrka uu shakigu qofka katago   ee waagu caddaado. Waxa uuna sidan ka qaatay aayada in layidhaahdo si aan uga xalaal mirano,  waqti kahor eedaanka waa waajib in la joojiyaa cunnada ama cabitaanka iyada oo lahubo In waqti habbeenimo ah lagu guda jiro, arrinkaasi waa mid  qur'aanka  iyo sunnada nebiga  salalaahu calayhi wasalam  . Khilaafsan,  intubana waxa ay inoo sheegaysaa In lajoojinayo marka waaga iyo hebeenku ay kala caddaadaan.


SU'AASHA 29AAD:

 QOFKU ISAGA OO CUNAYA AMA HADDI  EEDAANKA DANBE EE WAAGA  LAGU EEDAAMO, MUXU YEELAYA?


Mas'aladan  culimadu waxa ay ugu kala tageen aragtiyo kala duwan.  Hase yeeshee,  sida qumman,  badanka culimaduna qabbtaa,  waa in uu joojinayo haddii lagu eedaamo.  Wana sida ayadda  iyo  xadiiska nebiga salalaahu calayhi wasalam . Ku cad.


 Allah waxa uu yidhi:- 

وكلوا واشربوا حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر 

 البقرة الآية ض١٨٧

 CUNITAANKA IYO CABITAANKA  WADA ILLAA WAGA BARIGIISA AAD KA HUBSATAAN)


NABIGU SALALAAHU CALAYHI WASALAM.

WAXA UU YIDHI:-

لا  يمنعنكم من سحوركم اذان بلال فإنه يؤذن بليل حتى يؤذن ابن ام مكتوم. 

 EEDAANKA BILAAL YAANU IDIIN DIIDIN SUXUURTIINA. SABATA OO AH BILAAL WAXA UU EEDAMAA GOOR HABEENIMO AH . ISKA CUNA OO ISKA CABBA ILAA UU EEDAMAYO IBNU UMMI MAKTUUM:-


xadiiska waxa laga qadanaya in eedaanka danbe haddi la eedaamo lajoojinayo cunnada iyo cabista .

Xadiiska nebigu salalaahu calayhi wasalam. 

Waxa uu yidhi:-

إذا سمع احدكم النداء ولاناء على يده فلا يضعه حتى يقضي حاجته منه 

 HADDI MID IDINKA MID AHI UU MAQLO EEDAANKA ISAGA OO WEELKA GACANTA KULA JIRA, YAANU DHIGIN WEELKA ILAA UU BAHIDIISA KUDHAMAYSANAYO;

 xadiiska  siyabo kaladuwan  ayaa ay culimadu ufasireen.


1) FASIRAADA 1AAD:

Eedaanka xadiiska lagu til maamay,  waxa looga jeedaa eedaanka hore, sidaasna waxa til maamay culimo badan ee ay ka mid yihiin  labada   imaam ee bayhiqi iyo nawawi.


2) FASIRAADA  2AAD:

waxa looga jeeda qofka o gaaday in eedaanka aanka dabe uu  waqtigisi ka hor dhacay amaba u badiyay in uu ka hor dhacay.

Xadiiska kuma cada eedaanku midka uu yahay. Odhaahda dheeradka ah  ee ku soo aroortay xadiiska dabayaaqadiisa:-

وكان المؤذن يؤذن اذا بزغ الفجر. 

MU'ADINKU WAXA UU AHAA KU EEDAMA MARKA UU WAAGU BARYO;;

 waxa ku daray dheeraadka ;  tabiciga  layidhaahdo cammaar ibnu  cammaar  oo ubu hureyra  xadiiska kasoo wariyay  ee ubu hureyra ma odhan hadalkan,  waliba shiikh albaani isaga oo ka mid ah  culimada daliishatay, waa uu  qiray inta. ''Dheeraadka'' ahi hadalka tabiciga  ay tahay. Sidaas awgeed ,waxa uu noqonayaa  marsal. Marsalkuna daciifka ayaa uu ka mid yahay.

 Xadiisku Mar hadii uu siyaabo kala duwan  in lo fasiro uu aqbalayo, waxa munaasib ah in loo fasiro si  ankahor imaneyn  qu'aanka iyo xadiiska bukhaari iyo Muslim  soo wariyeen, oo labuduba ku tusinayaan  haddi uu waagu dillaaco amaba eedaanka  labaad la eedaamo in cunista iyo cabista lajoojinayo oo aan lasii wadeyn sidaas awgeed marka la eedaamo   eedaanka danbe  waxa waajib ah in aan la sii wadayn cunista iyo cabsita waxa afka lagu hayana la tufayo. Sidaas ayaa daliil ahaan xoogbadan, waana sida afarta madhabood ay qabaan.

 Imaamu nawawi waxa uu til maamay in ay culimadu isla ogoshahay haddii uu qofku liqo inta uu afka ku hayo in uu soonku kaburayo


Post a Comment

0 Comments