LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The rulings of fasting and Zakat al-Fitr



CASHARKII 23AAD:




 بسم الله الرحمن الرحيم 

السلام عليكم ورحمة الله وبركاتة 


AXBAABI MANTA WAXA AYNU QADAYNAYNAA CASHAR KAMID AH CASHARADEENI TAXANAHA AHADY EE  AXKAAMTA SOONKA IYO SAKAATUL FIDRIDA



SU'AASHA 75AAD:   SOON WAAJIBA HADDI QOFKA LAGU LAHAA , SUNNUHU  MAKA GUDAYA WAAJIBKAAS?


soonka sunaha ahi ma rido soonka waajibka ah, sida saxda ahina waa in uu qofkaasi soonka waajibka ah soo qalleeyaa.


SU'AASHA 76AAD:  SOONKA WAAJIBKA AH QOFKA MALAGA QALLAYN KARAA?


 qof nooli qof kale oo nool kama soomi karo.Hase ahaatee, qafka dhinta isaga oo soon waajib aha lagu leyahay  waa laga qalleyn karaa.

 NEBIGU SALLALAAHU CALEYHI WASALAM  .WAXA UU YIDHI:-

،،مَن ماَتَ  وَعَلَيهِ صِيَام ٌ صَامَ عَنهُ وَلِيُّهُ،،منتفق عليه. 



،،KU KASTA  OO DHINTA ISAGA OO SOON LAGU LEEYAHAY, EHELKIISA AYAA KA SOOMAYA,,


soonka qofka  laga qallaynayaa waa soonkii waajibka ahaa nooc yadiisii  kala duwanaa; ramadaan , nadar, ama mid kafaaro gud ahba.

 dadka  ehelkiisa ah ee ka qalleynaya, iyaga waajib kuma aha ee waa u sunne uun inay qaanta soonka qallaha ah kala yimadaan.



SU'AASHA 77AAD:   NINKU ISAGA OO SOOMAN XAAS KIISA MALA CIYAARI KARAA?   SIDA OO KALE  MA DHUNKAN KARAA?


ninku haddi uu is Hannah karayo oo uusan ka baqayn inuu gabadha  u tago  ama ay biyuhu kasoo baxaan, wax dhib ahi kuma sugna in uu la ciyaaro ama dhunkado xaaskiisa.

 WAAXA AY CAA'ISHA   NEBIGA KASHEEGTAY.:- 


كان رسول الله صلى الله عليه وسلم. يُقَبِّلُ وَهُو صَائم، وَيُبَاشِرُ  وهُو  صَائم، قالت: ولَكِن كَانَ  أمْلِكِكُم لإربه،،منتفق عليه. 

 ,,WAXA UU AHAA NEBIGU  SALLALAAHU CALEYHI WASALAM . MID DHUNKADA XAASASKIISA OO LA CIYAARA ISAGA OO SOOMAN, BALSE WAXA UU AHAA KA IDINKU HANASHO BADAN SHAHWADIISA.

 

sida oo kale axaadiista qaar waxa lagu soo wariyey in ninka dhalin yarada ah, loo diidayo, odaygana loo ogolaanayo, balse ninka dhalin yarada ah haddii uu yahay mid naftiisa hanan kara loo diidi maayo haddii uu sidaas sameeyo isaga oo sooman. 

Diidmada qofka loo diidayaana waa mid loo karahsanayo ee maaha  diidmo ay xaaraan  katahay.si looga mooso wadada uu soonku kaga jabikaro.



SU'AASHA 78AAD:  NINKII IYO XAASKIISU HADDI SOONKA MAALINKII RAMADAAN AYKU JABIYAAN GALMO, KAFAARADA MA NINKANOO KALIYA AYAA LAGU YEELANAYAA, MISE GABADHUNA WAA AY KULA JIRTAA?


 gabadhaas xaalkeedu laba mid ayaa uu noqon karaa;


1) XAALADA 1AAD: in ficilkaa gabadha ogolaanshaheeda aanu ku dhicin  balse ninkeedu ku dirqiyey  iyana intii awoodeda ahayd ay diiday, bilawgii hawsha illaa dhamadkana ay sidaas ku sugnayd. gabadhaas wax kafaaro ah laguma laha.

NEBIGU SALLALAAHU CALEYHI WASALAM.  WAXA UU YIDHI:-


"إنَّ الله  تَجاَوَز َعَن امَتِي الخَطأ والنِسْيَان وَمَا اسْتُكْرِهُو عليه "

،،ALLAAH  UMADAYDA  WAXA UU KA DHAAFAY  KAMMA،A,  ILLWSHIYAHA  IYO WIXI LAGU DIRQIYEYBA.,,



2( XAALADDA 2AAD:  in gabadhu hawshaas ogolayd dhicitaankeeda ama  markii danbe ay raali ka noqotay  culimadu waa ay isku khilaafeen in lagu yeelanayo iyo in kale, waxa ayana ugu kala tageen laba aragtiyood;


1) ARAGTIDA 1AAD: gabadhaas wax kafaaro ah laguma laha, waxa ayna cus kadeen in  aanu nebigu    ninkii arrinkaa u sheegay in uu sameeyay uusan odhan xaaskaygana waa lagadoonayaa kafaaro gud. haddii ay waajib ahaan lahaydna  

 nebigu   waa uu sheegi lahaa.


2)ARAGTIDA 2AAD: GANDHAAS  IYANA KAFAAROBAYAA LAGU YEELANAYAA, hadduuba ogolaansho ku dhacay.

Labada aragtiyoodna  waxa awood badan ta labaad. sababta oo ah, nin ayaa nebiga.صلى الله عليه وسلم.  uyimi  isaga oo xaalka naftiisa waydiinaya isaggaanu NEBIGU SALLALAAHU CALEYHI WASALAM.   

ufatwooday  ee gabadhi nebiga uma aysan iman, boos fatwo marka lajoogana qofka fatwada doonaya ayaa uun looga jawaabaa, maadaamoo qof kale arrinkiisu kala duwanaan karo.

 waxa qaacidaduna ay tahay،،ARRIN XAARAANA OO LA SAMEEYAY KAFAARANA KA WAAJIBAYSO, QOFKII  KASTA EE ARRINKAA DOORASHO IYO OGOLAANSHO KULA YIMI WAA IN AY KU WAAJIBAYSO،،


   GABAGABO INTAA AYAYNU KUSO AF MEERAYNAA

 CASHARKEENI   MAANTA  

KULAN DANBE OO XIISO LEH

Post a Comment

0 Comments