![]() |
بسم الله الرحمن الرحيم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
WAXA INOO SOCDAY CASHARKENI TAXANAHA AHAA EE KITAABKA
( AXKAAMTA SOOMKA IYO SAKAATUL FIDRIDA.
SU'AASHA 30AAD:
MASAAJIDADU EEDAANKA DANBE KALA WAQTI AYAA AY EEDAAMAAN , KEEN KU JOOJINNAA CUNITAANKA,
haddii masaajidadu kala waqti ay eedaamaan, sida xalaal miiradka badan ee is ilaalinta udhawi waa in eedaanka ugu horeeya qofku ku joojiyaa cunitaanka, cabitaanka iyo waxyabaha kale ee soonka buriya. Haddi ay u cadaato in ay waaga ka hor eedaameen. Cunitaankooda iyo cabitaan kooda waa ay sii wadan karaan.
SU'AASHA 31AAD:
GOORMA AYAA QOFKA SOOMANI AFURAYAA?
Waxa uu afurayaa qofka soomani, marka wareega cadceeda qarsoomo, xagga barina uu madawgu kasoo bilaabmo nebigu salalaahu calayhi wasalam. waxa uu yidhi:-
إذا اقبل اليل من ههنا، وادبر النهار من ههنا، وغربت الشمس ، فقد افطر الصائم<
HADDI HABEENKU DHANKAN KASOOMUUQDO( DHANKA QORAXDU KASOO BAXDO) MALINKUNA UU HALKAN KADABA JEEDIYO, QORRAXDUNA AY DHACDO, WAA AFURAY QOFKII SOOMANAA.
Shardi ma aha si loo afuro in shucaaca cadceedu uu tago ama ay xidiguhu soomuuqdaan . Hasa yeshee, waxa alayna amray in afurada ladadajiyo oo marka cadceedu sidaas udhacadaba la afuro nebiguna salalaahu calayhi wasalam. Waxa uu yidhi:-
لا يزال الناس بخير ما عجّلوا الفطر
( DADKA KHAYR AYAA AY KUSUGANNYIHIIN INTA AY AFURADA DADAJINAYAAN;;
xadiiska waxa laga qadanaya in ladadajiyo afurada oo aan la sugin inta xidiguhu muuqanayaan ee keliya xukunka afuradu ku xidhan yahay in cadceedu dhacdo.
0 Comments