LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

SU'AALO IYO JAWAABO



 بسم الله الرحمن الرحيم 
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته 

WAXA AYNU  KU  GUDA  JIRNAY  DERSIGEENI  TAXANAHA  AHAA  EE   KITAABKA
 ( AXKAAMU SIYAAM)

 
SU'AASHA  32AAD:
 HADDI SALADA MAQRIB LA EEDAAMO, OO AAD KASHAKIDO IN QORAXDU DHACADAY, MAKU BANAANTAHAY IN AAD AFURTO?

haddi aad kashakido in qoraxdu dhacaday lana eedaamay salaadi maqrib kuu ma banaana in aad afurtaa.sabata oo ah, sida asalka ahi waxa ay ahayd in maalin lagu jiro, shakiga ad kashakiday in maalinkii laga baxayna sida lahubay  waxba kama baddalayso.

Qacidada sharciga ahi waxa ay tahay;
، اليقين لا يزول  بالشك،
 SHAYGA LAHUBAA SHAKI KUMA TAGO.,,


maadaama oo ay sidaas tahay uma banaana  qofku haddi uu kashakiyo dhicista cadceedda in uu afuro,  oo uu yidhaahdo,, anigu danbiga malihi ee ka eedaamay ayaa leh,,  hasa yeeshee,  waa in uu hubsadaa.
 
SU'AASHA 33AAD: 
 QOFKA SOOMANI MUXU KU AFURAYAA?
 qofka sooman waxa ubanaan wax kasta oo xalaal ah in uu ku afuro, 
Haddi uu heli karana  waxa usii fali badan in uu 'rudab'  ama timir ku afuro. Nebigu  salalaahu calayhi wasalam . Waxa laga wariyay

كان   رسول الله صلى الله عليه وسلم يفطر قبل الفجر ان يصلي على رطبات فإن  لم يكن رطبات فتميرات

 Nebigu  salalaahu calayhi wasalam., haddi uu 'rudab' helayo rudab ayaa uu ku afuri jiray, haddi uu rudab waayo, timir ayaa uu ku afuri jiray.,,

Markaa  waa in uu 'rudab' ku afuro,  haddi uu wayana timir ku afuro, haddi uu waayana     biyo-cad uu ku afura  intaba haddi uu waayana  wixi xalaal ah  ee uu heli karo waa in uu ku afuro.


 SU'AASHA 34AAD: 
QOFKU XOOLO XAARAN AH MAKU SOOMI KARAA?


mabanaana qofku in uu xoolo xaraan ah ku soomo. Qofka ku soxuuranaya xoolo xaraan ah uu ku soomo. Qofka ku suxuuranaya xaraan ama ku afuraya,  soonka waajibkiisu waa uu kadhacaya iyada oo danbI lajiro. Hasa yeeshee, 
Ajarka uu  qofku kahelayo soonka  waa uu nusqaamayaa. Sidaas awgeed qofka waxaa saaran  in uu soonkiisa  dhawrto,  waxa nusqaaminaya ama ka burinaaya   uu iska ilaaliyo.

Post a Comment

0 Comments