LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

SU'AALO IYO JAWAABO

 


بسم الله الرحمن الرحيم 

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته 

 Waxa aynu ku guda jirna casharkeeni taxanaha ahaa ee kitaabka 

(AXKAAMTA SOMKA IYO SAKAATUL FIDRIDA)


SU'AASHA  37AAD: 

DADKA JOOGA WADDAMADA SACADAHA MALINTOODU BADANTAHAY; SIDA IN AY NOQOTO 20 AMA 18 SACADOOD IWM.MA U BANAANTAHAY IN AY KU SOOMAAN WAQTIYADA WADDAMADA MUSLIMIINTA SIDA MAKKA IYAGA OO JOOGA   WADDAMADA SACADAHA BADAN?

 

Qofku waddanka uu daganyahay haddi sacadaha maalintii iyo kuwa habeenkii kala soocanyihiin (24 saac uu habeen iyo maalin u kala qaybsan yahay) waa in uu soomo dhamaan sacadaha maalinta, inta ay doonan ha noqdaane.

 Qofku isaga oo ku sugan dhul 24-ka saacadood  maalin iyo habeen u qaybsan yihiin; uma banaana in dhul kale oo kadurugsan saacada  maalintiisa ku soomo  sida in uu joogo waddanka sweden, uma banaana in uu ku soomo waqtiga magalada maka ee sucuudi carabiya. Haddi ay dhacado  qofku in uu joogo meel aysan qoraxdu kadhacayn bilo ama aysan usoo baxayn bilo,  waxa uu lasoomayaa ama la afurayaa dhulka ugu dhaw  ee waqtigiisu 24'ka saacadood  habeen iyo maalmo ukala qaybsan yahay.


SU'AASHA 38AAD:

 ILMAHA YAR EE  SEBIGA AH SOONKIISU MA ASAXAYAA AJAR MAKA HELAYA?

 ilmaha yar ee wax kala garanaya soonkiisu waa asaxayaa, ajarna wuu ka helayaa. Walidaka ilmaha yar soonka kula dadaalay iyana ajar aya ay kahelayaan. Nebiga  salalaahu calayhi wasalam.  Markii la waydiiyay ilmihii yara ee lasoo xaj geeyay; waxa uu sheegay in loo qorayo, hooyadiina ajarka keenitaanka iyo kula dadaalka ay leedahay. 

ٍفأخفرجت اعرابية رأسها من هودج

لها ومعها صبي، يا رسول الله  الهذاحج؟   فقال: نعم ولك أجر


,, GABADH  REER MIYI AH AYAA HAWDAJ(  AQALKA  AWRKA DUSHIISA DUMARKA IYO CARUURTA LOOGA SAMEEYO SI LOOGU QAAADO)QOORTA KALA SOOBAXADAY IYADA OO ILMO YAR HAYSA NEBIGU  SALALAAHU CALAYHI WASALAM.  WAXA AY WEYDIISAY 


AJAR  MALEEYAHAY,   HAA,, AYAA UU UGU JAWAABAY NEBIGU  SALALAAHU CALAYHI WASALAM.  ADIGANA AJAR AYAA KAGA SUGNAADAY;,

hase yeeshee,  caruurta soonku waxa uu kaliya uyahay tababar iyo tarbiyad, si uu hafho unoqdo mid caadaysta oo uu u fudud yahay. Nebigu  salalaahu calayhi wasalam.  Waxa  uu  yidhi:-

،،مُرُوا صِبيانكم بالصلاة  لسبع؛ وضربوهم عليها لعشر،،

AMRA CARUURTIINA SALAADA, IYAGA OO TODOBO JIR AH, KUNA GARAACA MARKA AY TOBAN JIR GAADHAAN,, NEBIGU  SALALAAHU CALAYHI WASALAM . WAXA UU AMARAY IN CARUURTA MARKA AY TODOBO JIR GAADHAAN DALAADA LA AMRO, LAGUNA GARAACO MARA AY TOBAN JIR YIHIIN. WAXA TAAS IYANA LAMID AH SOONKA.

 saxaabada nebigu salalaahu calayhi wasalam.  Waxa ay ahaayeen kuwa soomiya caruurtooda,  waxa ayna ku ciyaarsiin jireen alaab si caruurta ay u ilow siiyaan gaajada soonka, sidaasna waxa ay ku gaadhi jireen afurta

Post a Comment

0 Comments