LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

SU'AALO IYO JAWAABO

 


بسم الله الرحمن الرحيم 

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته 

 Waxa aynu  ku gudajirnay duruusteeni taxanaha ahayd    ee kitaabka 

(AXKAAMTA SOONKA IYO SAKAATUL FIDRIDA)


SU'AASHA 35AAD:

 LACAGTA QAADKA LAGA SHAQYASTO MALAGU SOOMI KARAA?

ku soomitaanka lacagta qaadka lagu soomayaa, waxa ay ku xidhantahay:  qaadku maxaaraanbaa mise waa xalaal?

Qaadku xaaraan weeye mana banaana. Waxa uu xaaraan ku yahay;  caafimaadka ayaa uu wax yeelayaa, hurdada ayaa uu tagsiinayaa, caqliga iyo maskaxda ayaa uu khalkhalinayaa, dhibaatooyin badan ayaa uu leeyahay.dhibtiisa ayaa dheeftiisa kabadan.

 ,,QAACIDADA SHARCIGA AHI WAXA AY TAHAY:

ماكثر  ضرره على نفعه فهو حرام؛؛

WAX KASTA OO DHIBTIISU DHEEFTIISA AY KABADATAA, WAA XAARAAN,,

 mar haddii uu qaadku xaaraan yahay,  lacagta laga shaqaysanayana xaaraan ayaa ay noqonaysa. 

Nebigu  salalaahu calayhi wasalam. Waxa uu yidhi:-

ان الله  اذا حرم شيئا حرم ثمنة،،

 HADDII ALLAH  WAX XAARAANTINIMEEYO SHAY,  LACAGTA LAGA SHAQAYSTANA WAA UU XAARAANTIMEEYAA,,

 

xoolaha shayga xaaraanta ah laga shaqaysto , in laga suxuurto ama laga afuro ama fidyo laga bixiyaa, wax banaan ma aha. 


Nebigu  salalaahu calayhi wasalam. Waxa uu yidhi:- 

ان الله  طيب لا يقبل الله  إلا طيبا،،

 ALLA  WAA UU WANAAG BADAN YAHAY, MANA AQBALO MOOYAANE WAX WANAAGSAN


SU'AASHA 36AAD:

  WADDAMADA QAARKOOD MAALINTA AYAA AAD UDHEER LAGA YABANA IN AY NOQOTO 20 AMA 18 SAACADOOD IYO WIXII KA BADANBA.  MUXUU NOQONAYAA XUKUNKEEDU IN LAGA YIMAADO WADDAMADAAS SI LOOGU SOOMO  DHULALKA KALE  EE WAQTIGA YAR?

 Dadku in ay ka yimadaan waddankooda  si ay ugu soomaan waddamo kale waa ay u banaan tahay, hase yeeshee, xagga ajarka waxa ajar badan ka sacadaha dhaadheer soomaaya.


Nebigu  salalaahu calayhi wasalam.  Waxa uu yidhi:-

،،ان لك من الأجر على قدر نصبك،،

AJARKAAGU WUXU NOQONAYAA INTA DAALKAAGU NOQDO.

haddi qofku usafro labada masjid ee xaramka fadli badan ayaa uu ka helayaa.


Post a Comment

0 Comments