السلام عليكم ورحمة الله وبركاتة
WAXA AYNU SI WADAN DONNAA CASHARADENI TAXANAHA AHAYD
EE AXKAAMTA SOOMKA IYO SAKATUL FIDRIDA
SU'SHA 46AAD: QOFKII SOOMANA HADDII UU IS - ILAAWO OO WAX CUNO AMA CABBO ,SOONKU MAKA JABAYAA?
qofka sooman ee illowshiyaha wax ku cabba ama ku cuna soonkiisu majabayo. nebigu( صلى الله عليه وسلم )
waxa uu yidhi:-
(( من نسي وهُو صَائم فأكل وشرب فليتم صومه، فإنَّما اطعمه الله وسقاه)) منتفق عليه
،،QOFKA SOOMANA EE WAX CUNA AMA CABBA ISAGA OO IS- ILLOWSAN, HADHAMAYSTIRO SOONKIISA, ALLAH AYAA QUUDIYAY OO WARABIYAY.,;
xadiisku waxa uu tilmaamay in uu siiwato qofku soonkiisa , haddii uu ka burayna lama yidhahdeen ha sii wato.
QAACIDAD SHARCIGA AHI WAXA AY TILMAMAYSAA;
,,الجهل والنسيان يَجْعَلاَن المَوجُود كالمَعدُوم وَلا يَجْعلَان المَعدُوم كالمَوجُود،،
,, wajibkii looga tegay jahli iyo ilowshiyo , uga yeelimayaan sidii wax uu sameeyay, waana in uu layimadda wajibkaas. hase ahaatee shaygii xaaraanta ahaa ee uu jahli ama ilowshiyo u sameeyay, waxa ay uga yeelayaan sidi wax aan dhicin;,
LABADA QAYBOOD ( WAAJIB LAGA TEGAY AMA XARAAN LASAMEEYAY) JAHLI IYO ILOWSHIYO DARADED MARNABA DANBI KUMA QABO. HADDI FALKA XARAANTA AH UU SAMEEYAY LAXIDHIIDHO XAQ AADAME, WAA UU QAANDHABAYA.
SU'SHA 47AAD: QOFKII SOOMANA HADDI UU IS- ILAAWO UU UU GALMO SAMEEYO , SOONKI MAKA JABAYA?
qofkii isaga oo is ilowsan galmo sameeya,waxa uu la xukun yahay , qofki wax cunay ama cabbay ee is ilowsanaa. mana jiro wax kala duwanansho ah oo u dhexeeya. sabata oo ah, labaduba waa labo arrin oo soonka burin lahaa oo iloshiyo kudhacay.
nebigu (صلى الله عليه وسلم )
waxa uu yidhi:-
،،من أفطر في رمضان ناسيا فلا قضى عليه ولا كفَّارة، رواه الحاكم والداراقطني وَحسنه نووي.
،، qofkii ramadaan afura isaga oo is ilowsan , wax qalle iyo kafaro gud ahiba masaarna.,,
xadiiskani waxa uu caan kuyahay , wax kasta oo soonka burinaya haddi si iloshiya ah qofku ugu dhacao,soonkisa kama burinayo. cunista iyo cabistu sida ayasan qofka soonkisa uga burinayan ayaa ay galmada iloshiyaha ku dhacdana aanay u burinayan. kafaaro gud iyo qallena kagama waajibayaan qofka .
SU'SHA 48AAD: QOFBA WAXA UU GO'AANSADAY IN UU SOONKA JABIYO, HADDANA '' MARDANBE" AYAA UU KAWALACAY AMA WAX UU CUNO WAYEY, SOONKIISU MA USII JIRAYAA QOFKAAS?
culimadu waxa ay ka qaban mas'aladan laba aragtiyood hase yeeshee ,sida qummani waa in uu soonku kajabayo, madama oo uu layimi niyad go'an.
waxaa qofkaas waajib ku ah in uu malinta inta kadhiman af-haysto maalinta sidaas kaga jabtayna uu soo qalleeyo.
SU'SHA 49AAD: QOFKU HADDI UU ISAGA OO LUQLUQANAYA , LUQLUQASHADANA AAN KU XEEL DHEERAAN ,WAX KA MID AH BIYUHU AY KU BAXSADAAN, SOONKU MAKA JABAYAA?
qofka haddi isaga oo luqluqanaya wax ka mid ah biyuhu ay ku baxsadaan,soonku kama burayo. sababta oo ah, waa wax ku dhacay si aan badheedh ahayn oo kama,ah, nebigu( صلى الله عليه وسلم) waxa uu yidhi:-
،،إنّ لله تَجاَوَزَ عن امَتِي الخَطأ والنِسْيَان وَمَا استكرهو عليه " اخرجه الدار قطني، وابن حبان والحاكم وصححه الباني.
،،Allah umaddayda waxa uu ka dhaafay waxa aanay badheedhka u samayan, ilowshiyaha iyo wixi lagu dirqiyayba.,,
mar haddi arinkaasi kama' uu u dhacay waxa uu lamid yahay isaga oo illowshiyo ku dhacay. nebigu waxa uu yidhi:-
,,من نسي وهُو صَائم فأكل وشرب فليتم صومه ،فإنَّما اطعمه الله وسقاه، ،منتفق عليه
(qofkii isaga oo sooman is- illaawa kadibna cuna ama cabba, soonkiisa hadhamaystirto sababtoo ah Allah ayaa quudiyay.,
QOFKA SOoMAN MARKA UU WAYSAYSANAYO WAA IN AANU LUQLUQASHADA IYO SAN DARSIGA KU XEELDHEERAAN SI AANAY WAX BIYO AH, UGU TEGIN.BALSE HADDI UU KU XEELDHEERADO OO BIYO KUBAXSADAN, SOONKU WAA UU KA BURAYAA NEBIGU NA WAXA UU YIDHI :-
،،وبالغ في الاستنشاق الا ان تكون صائما،،
( KU XEELDHEEROW SANDARSIGA MAAYANE IN AAD SOOMAN TÀHAY.,,
SU'SHA 50AAD: QOFKA SOOMANI MA QABAYSAN KARAA?
qofka soomani waa uu qubaysan karaa madixisana waa uu maydhi karaa.maydhashadu hanoqoto mid uu qabawsi u raba ama ha Norto mid uu ajar kuduunayo sida in uu janabo iska maydhayo amaba jimce u maydhanayo. hase yeeshee, waa in uu iska dhawraa in ay biyihu afka ka galaan oo kadibna uu liqo
nebigu (صلى الله عليه وسلم) iyo saxabadiisuna waa ay qubaysan jireen iyaga oo sooman, madaxana waa ay maydhan jireen, wax dhibato ah oo ku sugana majirto .
abuubakar ibnu cabdiraxmaan waxa uu nabiga kasheegay isaga oo mid ka mid ah saxabada ka warinaya:
وعن ابي بكر ابن عبدالرحمن عن رجل من أصحاب النبي صلى الله عليه وسلم، قال: " رأيت النبي صلى الله عليه وسلم. يصب الماء على رأسه من حرٍّ وهُو صَائم ". رواه أحمد واوا داود.
(NEBIGA AYAAN ARKAY ISAGA OO MADAXA BIYO ISKAGA SHOBAYA KULAYL DARTII ISAGA OO SOOMAN."
Halkaa ayuu inoogu jogi doona casharkeeni MANTA haddi alle ka dhigo
Macasalama

0 Comments