LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

AXKAAMTA SOONKA

 



بسم الله الرحمن الرحيم 

السلام عليكم ورحمة الله وبركاتة 

AXBABI WAXA AYANU KU GUDA JIRANAY CASHARADENI TAXANAHA AHAYD KUWAAS OO AY NU HALKI KASI ANABA QADI DOONO


SU'SHA 51AAD: TOOBINKU SOONKA  MAJABIYAA?


culimadu mas,aladan   xukun kenda  laba aragtiyood ayay isugu khilaafeen; 


1)  aragtida 1aad:  toobinku soonka waa uu jabinayaa.

2) aragtida 2aad: toobinku soonka  ma jabinayo. wana sida badanka culimadu   qabaan. waxa diliil u ah,

،، ان النبي صلى الله عليه وسلم . أحْتَجَمَ وَهُو مُحْرِمٌ،  وَاحْتَجَمَ وَهُوَ صَائم،، اخرجه البخاري.

 ,,NEBIGU  SALLALAAHU CALEYHI WASALAM.  WAA UU ISTOOBAY ISAGA OO  XARMAN ,  SIDA OO KALE WAA UU ISTOOBAY ISAGA OO SOOMAN,, 

lakiin xadiiska ku soo  arooray in uu jabinayo

 ،،أفْطَر َ الحَاجِمُ  وَالمَحْجُوُم،، اخرجه  ابو داود  والنسائي  وقال الباني صحيح  لغيره.

 ,,  KA WAX TOOBAYA IYO KALLA TOOBAYABA WAA AY AFUREEN  (  SOONKU  WAA UU KA BURAY),,  

xadiiska culimadu waxa ay tilmaameen in la nasakhay oo xadiiska hore aynu ku xusnay. sida xooga badani waxa weeye  toobinku  in aanu soonka burinayn.


SU'SHA 52AAD:  DABAASHU SOONKA MA BURISAA?

dabbaashu laf ahaanteedu soonka ma buriso. hasa yeeshee, haddi uu biyaha iska ilaalin waayo, sida in uu quuso ,oo biyuhu qofka sanka ka galaan ama afka dhuuntiisana  dhaafaan, soonkii waa uu kajabayaa qofkaas, qofku waa in uu aad uga digtoonadaa haddi uu soomanyahay in uu biyaha quuso  si aanay biyaha wax ka mid ahi ugu baxsan. saxabada qaar kami ahna waa lasoo wariyay in ay iyaga oo sooman ay biyo dhexgeli jireen.


SU'SHA 53AAD: QOFKU HADII UU DAWADA CADAYGA KU CADAYDO OO UU ISKA TUFO, SOONKU MAKA JABAYAA?


qofkaa soonku kama burayo , haddi aanu dawada wax kamid ah liqin, hase yeeshee, haddii  uu dawada wax kamid ah uu liqo, culimadu waxa ay isla ogol yihiin in uu soonku kaburayo. culimada qaar waxa ay tilmaameen in dawada cadaygu afka hore aysan uga dhamaanin  ee waqtigaa uu sooman yahay qofku ay fiican tahay cadayga oo kaliya ama burushka oo kaliya uu ku cadaydo.


SU'SHA 54AAD:  CADAYGA GALINKA DANBE IYADA OO LA SOOMAN YAHAY LA CADAYDAA, MAXAA UU NOQONAYAA XUKUNKIISU?


 

sas'aladan  culimadu waxa ay ka leeyihiin aragtiyo kala duwan balse sida saxda ahi waxa ay tahay: wax dhib ahi kuma jirto in uu qofku cadaydo galinka danbe isaga oo sooman. sidaasna waa sida ay qabaan badanka culimadu. waxana daliil u ah axaadiista caamka ah ee ku timi cadayga fadligiisa.


 nebigu  (صلى الله عليه وسلم) waxa uu yidhi:-

،،لَولَا  أن أشُقَّ عَلَى امَتِي، لأمَرْتُهُم بالسِّوَاك عِندَ كُلِ صَلاَة،،اخرجه  الشيخان 



،،HADII  AAN DHIBSANAYN IN AAN UMADDAYDA,DHIBO ,CADAYGA AYAAN AMRI LAHAA - AMAR WAAJIBIN AH- SALAAD KASTA HORTEED,,


  waxa uu sidoo kale nebigu  uu  yidhi:- 

اخرجه مالك واحمد  والنسائي وصححه  ابن خريمة ،، لَولَا  أن  اشق  على امتي،  لأمَرْتُهُم بالسِّوَاك،  مَعَ كُلَ وُضُوء،، والحاكم ونووي والألباني .

،، HADDI AAN DHIBISANEYN IN AAN  UMMADAYDA DHIBO,  CADAYGA AYAAN AMIRI LAHAA - AMAR WAAJIBIN AH-  SALAAD KASTA HORTEEDA.,,


kabada axadiistu  waxa ay tilmaamayaan waqti kasta oo salaad latukanayo ama la waysaysanayo in uu qofku layimaado cadayga.

 saladaha iyo waqtiyada  waysada  waxa kamid ah   galinka danbe mana jiro daliil khaas ah oo galinka danbe diidaya in la cadaydo. sidaas awgeed  xukunku waxa uu kusii baaqi ahaanaya caam nimadiisa.


SU'SHA 55AAD: QOF UU GAWS XANUUNAYO, KARJABIN MAKU QABAN KARAA?


qofku haddi aanu kaar jabinta liqayn ee keliya uu ku haynayo qawska wax dhib ah maleh in uu ku qabtaa. qofku sida oo kale waxa uu samayn karaa; 


1) MEESHA XANUUNAYSA LAFTIGEEDA IN UU KAAR JABIN ISKAGA MUDO.

2)  IN IRBAD KAAR JABIN AH UU QOFKU MURUQYADA ISKAGA MUDO.

 WAXA UU QOFKU ISKA ILAALINAYAA IN UU LIQO OO WAA UU TUFAYAA, WAX DHIB AHNA KUMA SUGNA.



halaga faa idaysto oo halla akhristo casharkaa    waqtiga iyo juhdiguba galeen  

macasalaama

Post a Comment

0 Comments