CASHARKII 22AAD:
السلام عليكم ورحمة الله وبركاتة
CAWAXA AYNU KU GUDAJIRNAY KITAABKII AXKAAMTA SOONKA IYO SAKAAL FIDRIDA
CASHARKII 71AAD INSHA ALLAH WAYNU GUDA GELI DOONA DARSIGEENA.
SU'AASHA 71AAD: QOFKII SOOMAYA SOONKII RAMADAN LAKIN AAN SALAAD TUKANEYN,XAALKIISU MUXU NOQONAYAA?
qofka arrinkiisu waa culus yahay oo haddii aanu tukaneyn waxa laysku hayaa ma muslimbaa mise waa gaal,axaadiisna waa soo aroortay gaalaysinaysa.
culimadu mas'aladan waxa ay ugu kala tageen laba aragtiyood;
1) ARAGTIDA 1AAD: culimada qaar kami mid ah waxa ay qabaan in uu gaal yahay soonna an laga aqbaleyn. waa in uu markaa soo Islamaa oo uu soomaa.
2) ARAGTIDA 2AAD: ku gaaloobi maayo Hase yeeshee, faasiq ayaa uu ku noqonayaa, soonkiisana waajibkii waa kaga dhacayaa hase yeeshee wax ajara oo uu kahelayaa majiro , wana sida xoogga badan ee badanka culimadu ay qabaan.
ARGTIDA 2AAD MARKA lAGU SOCDO IN AANU GAALOOBIN, waxa uu noqonaya faasiq, fisqigiisu aad uxun yahay oo ka xun; ka wax dilaya ee sinaysanaya haddana wax dhacaya. markaas halis waxa uu u yahay oo looga baqayaa in uu gaalnimo ku dhinto oo uu naar ku waaro.
sababta oo ah, waxa ay culimadu yidhaahdeen:-
''المَعَاصِي بَرِيدُ الكُفْر ''
،،DANBIYADU WAA DHANBAALKII GAALNIMADA KASOO HOREEYAY،،
waxa ay danbiyadu noqonayaan dhambaalkii gaalnimada kasoo horeeyay marka la caadaysto .ALLAH KITAABIISA SHARAFTA BADAN WAXA UU KU YIDHI:-
[ذَلِكَ بِأنّٰهُم كاَنُوا يَكْفُرُونَ بِـءـياتِ اللِه وَيَقْتُلُونَ الأنبِيـَاء بِغَيرِ الحَق ِ ذَلِكَ بِمَا عَصَوا وَكاَنُوا يَعْتَدُون]
SU'AASHA 72AAD: GABADHI DHIIGA XAYDKA ( CADADA,XAYDKA) MAXA AY KU GARANAYSAA IN AY DAAHIR NOQOTAY?
gabadha in dhiigii xaydku ka go'ay waxa ay ku garanaysaa biyo cad in ay xubinta tarankeeda ku aragto sida ay caa'isha ku tidhi dumarka:-
" لَا تَعْجَلْنَّ حَتَى تَرَيْنَ القَصَّةَ البَيْضَاء " اخرجه مالك في الموطأ وعلقه البخاري وصححه الباني.
،، DUMAROOW HA DEGDEGINA ILLA AD KA ARKAYSAAN BIYAHA CAD,,
aragtida biyaha cad ay ka arrkayso gabadhu xaydka ka dib waxa uu noqonayaa calamad ay ku garanayso daahir noqoshadeeda. haddi ay gabadhu heli waydo wax biya ah oo cad sida dumarka qaar kadhacada, waxa ay markaasna ku garanaysaa; qallayl uu xubinku qallalo.
SU'AASHA 73AAD: QOFKA ISAGA OO JINAABAYSAN HADDII UU WAAGU DILLAACO ISAGA OO AAN QUBAYSAN,MAXIDHAN KARAA SOON? QOFTA DUMARA EE CAADADU KA GO'DAY ASTAAN TII DAAHIRNIMADANA ARAGTAY WAAGA KAHOR, MAXIDHAN KARTAA SOON IYADA OO AAN WELI MAYDHAN( QUBAYSAN)?
Haa waa ay banaan tahay inuu xidho. haddii uu soonku yahay mid waajibana, sida soonka ramadaan waajib ayaa ay ku noqonayasaa in xidho.qofkaas waxa lamida gabadha haddii dhiiga xaydku ka go'o, waaguna uu dillaco iyada oo aan wali ka qubaysan.
CAA'ISHA IYO UMMU SALAMA WAXA AY NEBIGA KA WERIYEEN;
كان يصبح جنبا من الجماع- ثم يصوم في رمضان،،منتفق عليه.
،، WAXA UU AHAA NEBIGU MID WAA BARIISTA ISAGA OO JANABAYSAN GALMO UU SAMEEYAY AWGEED ,KADIB WAXA UU SOOMIJIRAY RAMADAAN.
SU'AASHA 74AAD: HADDII UU DHIIGA XAYDKU DHAQAAQO .HASE YEESHEE,AANU SOO BIXIN INTA AANU GABALKU DHICIN ISLA MARKAANA LA ARKAY DHIIGA MARKII UU GABALKU DHACAY DABADII, DHAQAAQAASI SOONKA MAKA BURINAYAA GABADHA?
shaqaaqitaanka dhiigu uu dhaqaaqaa sidi uu so baxayo oo kale, soonka gabadha waxaba yeelimaayo. sababta oo ah , xukun ku waxa uu ku xidhanyahay aragtida la arko dhiigga. nebigu صلى الله عليه وسلم- isaga oo u jawaabaya gabadhii waydiisay in gabadha wax qubaysi hi saaran yahay haddi ay gabadhu riyoto, waxa uu yidhi:-
"نَعَم اإذَا رَأتِ المَاء "
،، HAA DADDII AY ARAGTO BIYO,,
gabadhu haddii aanay wax dhiigga ah arag inta uu san gabalku dhicin, soonkeedu ka buri maayo haba dareento dhaq-dhaqaaq u eeg inuu soobaxayo.
BABA GABO WAXA AAN IDINKU BORINAYA AMA AAN IDINKU DHIIRI GALINAYAA IN AAD KA FAA'IDAYSTAAN DURUUSTAA QIMAHA BADAN
MACASALAAMA

0 Comments