بسم الله الرحمن الرحيم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاتة
SU'AASHA 66AAD: DADKA DARAWALIINTA AH EE MARBA MAGAALO U GOOSHAA, XUKUNKA SAFAKA MAQADANAYAAN, OO CUDURDAAR AY KU AFURAAN MAYEELANAYAAN?
dadka darawaliinta ahi haddi safarada ay galan yihiin ruqsaddii( ogolaanshihii sharciga ahaa) keensanaya, waa ay u banaantahay inay ruqsaddi qaataan oo ay afuraan, oo lama odhanayo gaadhiga dushiisa ayaa ay ku negyihiin oo waa in ay soomaan, hase ahaatee, haddi ay ku adkaanayso in ay dib usoomaan oo qallihii dib kala yimaadaan,haddana aanu soonku wax dhib ah ku hayn,sida u habbooni waa imika in ay iska soomaan, soonkuna marnaba kama dhacayo, oo waa in ay layimaadaan.
SU'AASHA 67AAD: LABADII QOF EE ISQABAY HADDII AY SAFRAAN OO SAFARKA GUDIHIISA ISUGU GALMOODAAN,KAFAARO GUD MALAGU YEELANAYAA?
labada qof ee isqabaa haddi iyaga oo safraya ay kul maan bil ramadaan gudaheed safarkaasina aanu ahayn safar xeelad ama tab looga jeeday wax kafaaro gud ahi fuulimaayo.Hase yeeshee, haddi ay xeeladaysi uga jeedeen,oo ay usafraan si ay ruqsadda safarka ( OGOLAANSHAHA SHARCIGA AH) u helaan, u banaanaan mayso waxa ayna noqonaysaa in ay danbi weyn ku dheceen.
waxaa sidaas lamid ah haddi uu qofku qabo in safarka ruqsadda lagu qaataa yahay masaafo go'an leh massaafadiina aanu weli gaadhin,
waxa sidaas oo kale lamid ah haddi uu safarku yahay safar macsiyo loogu baxay. sida culimada badan kooduba qabaan .
SU'AASHA 68AAD: QOFKII DOONAYEY IN UU SAFRO, SOONKII MAJABIN KARAA ISAGA OO AAN MEESHII UU KASAFRAYEY WALI KA BIXIN?
qofka doonaya in uu safro uma banaana in uu soonka jabiyo illa uu safarka guda galayo.
waxa uu yidhi allaah:-
[وَمَن كاَنَ مَرِيضًِا او عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةُ مِن أيَّامِ أخَر ]
،، KU KASATA OO XANUUN AMA SAFAR KU SUGNAADAY OO AFURA, WAXAA SAARAN SOONKA MAALMO KALE,,
culimadu waxa ay tilmaantay in aayadda laga qaadanayo qofku marka uu jabin karaa in ay tahay marku safarka si weyn uguda galo. waxa sidaas qaba badanka culumada.
waxa soo arooray xadiis kale oo tilmaamaya in qofku haddi uu safar udiyaar garoobo , uu isaga oo guriisa jooga uu qaadan karo ruqsaddii, soonka isla markaana uu afuri karo. xadiiskaa waxa xoojiyey sheekh al baani, xukun ahaanna u qaatey.Hase yeeshee xadiiska waxa daciifiyey imaam weyn oo kamid ah imaamyada horeeyay ee xadiiska looga danbayn jiray, waa abuu xaatim ar'raasi
maadaama oo uu xadiisku cillo yeeshay,waxa ina saaran in aynu qaadano daliilada,kale ee ina tusinaya . in uu qofku marka uu safarka guda galo uun ruqsadda( OGOLAANSHAHA SHARCIGA) isla markaana uu soonka jabin karo waana sida ay qabaan badanka culimadu.
SU'AASHA 69AAD: QOFKA NAGAANSHO KU SOOMAY OO ISAGA OO SOOMAN SAFAR KUYIMI, SOONKII MAKA AFURI KARAA MISE WAA IN UU SOONKA SIIWADAA?
culimadu mas'aladan laba aragtiyood ayay isugu khilaafeen Hase yeeshee, waxa qumman culimada badan kooduna ay qabaan in sida ay ugu banaantahay isaga oo safar kujira haddii waqtigii soonku yimaaddo in uu sii afurnaado oo uu ruqsadda qaato ay ugu banaantahay in uu afuro. safarkana majirto wax u diidaya qofka in uu afuro.sababta oo ah, labadaba si isku mid ah ayay aayaddu usheegtay.
waxa uu allaah yidhi:-
[وَمن كَانَ مَرِيضًا او عَلَى سَفَر ٍ فَعِدِّةٌ مِن أيَّامٍ أخَرَ ]
،،KU KASTA OO XANUUN AMA SAFAR KU SUGNAADEY OO AFURA, WAXAA SAARAN SOONKA MAALMO KALE,,.
SU'AASHA 70AAD: QOFKA SOCDAALKA AH, MAKU WAAJIBAA IN UU AFURO?
qofka kuma waajib aha ,in uu soonka iska daayo , mooyane in uu soonka halis ku gelayo. sidaasi waaa sida awooda badan, badanka culimaduna ay qabaan, waana sida nebigu iyo saxaabadiisuba ay sameeyeen waxa kamida ah saffaradooda. nebiga waxa laga soo
wariyey:
خرج رسول الله صلى الله عليه وسلم، من المدينة إلى مكة،فصام حتى بلغ عسفان، ثم دعا بماء فرفعه إلى يده ليريه الناس ، فأفطر حتى قدم مكة،وذلك في رمضان، ،اخرجه البخاري .
،، NEBIGU SALLALAAHU CALEYHI WASALAM . WAXA UU KA BAXAY MADIINA ISAGA OO USOCDA MAKA, WAA UU SOOMAY ILLAA UU SOOGAADHAY CASFAAN. KADIB WAXA UU DALBADAY BIYO, SARE AYAA UU USOOQAADAY BIYIHI SI AY DADKU U ARKAAN, WAA AFURAY ILLAA UU MAKA KAYIMID ARINKAASI WAXA UU AHAA RAMADAAN GUDIHIIS,,
inta ayaynu kuso af meeraynaa casharkeeni manta
alle hayna waa fajiyo kuwi ka faa'idaystana haynaga dhigo

0 Comments