1)) SU AAL: SOOMKA BISHA RAMADAAN CIDDA WAJIBNIMADEDA DAFIRTA XUKUM KEEDU MUXU NOQONAYA?
JAWAAB: soomka bisha ramadaan cidda dafirtaa waa ay gaaloobaysaa waxa ayna noqonaysaa mid ilaahay ka kufriday sababta oo ah waxa ay beenisay qur aanka iyo sunnada nebiga salalaahu calayhi wasalam. Allah waxa uu qur aankiisa ku yidhi:-
يا أيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون)
سورة البقرة الآية -١٨٣
Kuwii imanka laga helayoow korkina waxa lagu faral yeelay soon sida loogu faral yeelay ummadihii idinka horreeyay
Waxa uu yidhi nabigu salalaahu calayhi wasalam
بني الإسلام على خمس: شهادة ان لا اله إلا الله وان محمد رسول الله واقام الصلاة وايتاء الزكاة وحج البيت وصوم رمضان،، أخرجه الشيخان.
Islaamka waxa lagu dhisay shantiir waxa ka mid ah, soonka bisha ramadaan ,, muslimiintu waxa ay ku kulansanyihiin in cidda inkirta wajibnimada soomku bisha ramadaan ay ku gaaloobayso isla markaana ay noqonayso gaal islamka debedda uga baxay
2)) SU AAL: QOFKII RAMADAN DHEXDEED CUDUR DAAR LA AAN U AFURAY MAXU XUKUM KISU NOQONAYA ?
JAWAAB: qofka ramadaan dhexdeed cudur daar la aan u afuray waxa uu ku dhacay danbi weyn kana mid ah denbiyada waayeeyn culimadu in uu danbiyada waaweyn ka mid yahay waa ay isla oggolyihiin sida imaamu dahabi uu ku sheegay kitaabkiisa " الكبائر"
Qofka denbigaas ku dhacay waxa laga doonayaa inuu toobad dhamaystiran Allah u layimaado waxa sida oo kale laga doonaya in malmaha Ramadan ee sidas kaga tagey in uu dib ula yimaado oo uu soo qalleeyo sidasi wa hadii uu soonka waxan gallmo ahayn uu ku jabiyo
Hadii uu galmo soonka ku jabiyo, waxa ku waa jibaya seddex shay., tobad keen, qalle , iyo ka faara gud
0 Comments