![]() |
11)) SU AAL: HADDI QOF SOON LAGU LAHAA SANADANA KASOO WAREEGEEN MAXA UU YEELAYAA?
JAWAAB: qofka haddi uu isga oo awoodayaa in uu layimaado cudur daar la'i uga tago badanka culimadu waxa ay qabaan in uu soon iyo fidyo isracinaayo. Malinkasta oo tirada maalmihii ka tegay ah na waa in uu quudiyo miskiin, isla markaan maalintaas dib uu u soo soomo , sidaas waxa til maamaysa odhaahyo asxaabta ka sugnaatay, kuwaasna ma'salada wa loo cuskanaya
Cidda fidyada iyo qallaha isku daraysaa wa cida ka gaabin latimid oo iyada oo qalleyn karta iska deysey, lakiin qofkii uu cudur daar ku dhaafay , kana qalleyn kari waaya soon kaliya ayaa lagu yelanaya wana sida ay ku kulan sanyihiin culimada oo idil.
12) SU AAL: QOF AYAA SIDII UU U XANUUN SANAYEY SOONKII RAMADAAN KATEGAY , WAXA UUNA KU RAJO BADNAA IN UU KA BAGSADO, KADIB MARKII AY RAMADAAN BAXDAYNA WAA UU DHINTAY, ISAGA OO AAN HELIN WAQTI UU KU SOO QALLEYO MAXA LAGU YEELANAYAA QOFKAAS?.
JAWAAB: qofka uu cudurdaar soonkii ramadaan kaga tegay kadibna aan helin fursad uu ku qalleyo ilaa uu ka dhintay waxba laguma yelanaayo, soomkaasi waajibnimadiisii wuu kadhacay, in laga qalleyo iyo in fidyo laga bixiyaa midna masaarna allah waxa uu yidhi:-
لَا يُكَلِّفُ ألله نَفْسًا إلا وُسْعَها..........البقرة الآية ٢٨٦
0 Comments