LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

SU AALO IYO JAWABO KITAABKA AXKAAMTA SOOMKA

 


Waa casharkeenii 5 aad ee kitaabka axkaamu siyaam kaso aha su aalo iyo jawaabo kusaabsan  soomka iyo sakaatul fidrida


9 -SU AAL : MAXA UU YEELAYA QOFKA AY SALAADO IYO SOON BADANI KATAGEEN?


 JAWAAB: culimadu argtiyo kala duwan ayay uga  kala tageen massaladan hase ahatee aragtida ugu qumman badan ka culimaduna ay qabaan in uu qofku soo qalleeyo dhamman saladihii iyo soomkii kategay waxa ayna udalishadeen xadiiska nebiga salalaahu calayhi wasalam  : uu yidhi 

فدين الله  أحق انيقضى،، أخرجه الشيخان. 

 ((Deynta ilaahay ayaa u xaqle in lagudo))



10 .SU AAL:   MUXUUYAHAY XUKUMKA IN LA SOOMO NUSKA DANBE EE BISHA SHACBAAN,  XADISKA SE LAGU SOWARIYAY INAN LASO MO NUSKA DANBE EE SHACBAAN MASUGAN YAHAY?


JAWAAB:  nuska danbe ee bisha shacbaan in uu qofku soomaa waa ay banaan tahay sida xooga badan waana sida ay qabaan   CULIMADJ

 Xadiiska nebiga  salalaahu calayhi wasalam  

Laga soo wariyay ee sheegaya 

إذا  انتصف الشعبان فلا تصوموا،، أخرجه احمد  وسنن .اعله )يعني  ضعيفه


Haddi ay shacbaan kala badhanto hasoomina ,,

Xadiiska culimada qaar waa ayaa saxiixiyeen sida ibnu xibbaan imamu tirmidi  iyo sheykhul albaani   waxa sida oo kale jira culimo daciifiyay xadiska waxana kamida 

Imamu axmed  oo ku til mamay munkar culimada kale ee munkarka ku til mamtay waxa ka mid ah ubu surcah ar-aasi yaxaye ibnu mucin  iyo asram

Waxa sido kale jita in xadiisku uu khilaafsanyahay axadiis kale oo ka saxiix nimo badan sida xadiiska nebigu uu yidhi:- 


لا تقدموا  رمضان بصوم يون ولا يومين

الا رجل كان يصوم صوما فليصمه 

Haka hor marinina soomka bisha ramadaan  malin ama laba maalmood mooyaane   qof ahaa mid soo sooma  kasi hasoomo,,.


Caa isha alle haka raali ahaa dee waxa ay tiri:-

,,كان يكون على الصوم من رمضان  فما استطيع ان اقضيه إلا في شعبان،  الشغل من رسول الله صلى الله عليه وسلم  او برسول الله  صلى الله عليه وسلم،، منتفق 

 Soom ayaa laygu yeelan jiray manan awoo dijirin ilaa inan  bisha shacbaan qalleeyo mooyaane, mashquul aan nebiga salalaahu calayhi wasalam   .ku mashquulsanahay,, 

Xadiiska bukhaari iyo Muslim ayaa warinaaya 

Waxa uu til mamayaa in laba maalmood wixii kabadan ee ramadaan lagala hor mara ayasan wax dhiba lahayn

Waxa kale oo xadiiskaas ka hor imaanaya in caa isha ay til maantay in uu nabigu soomi jiray

 Bisha oo dhan.


,,كان  يصوم  شعبان كله،، زاد ابن ماجه وابن حبان،؛  حتى يصله برمضان،،


NEBIGU .SALALAAHU CALAYHI WASALAM. WAXA UU AHAA  MID SHACBAAN DHAMAANTEED SOOMA,,


badanka culimaduna xadiiska ma aysan  qaadan ee keliya shaaficiyada ayaa qaatay  oo yidhi nuska danbe ee shacbaan qofki an sabab gaara u soomayn  waxa ay u noqonaysaa karaahiyo waliba badan koodu oo ah sida muctamadka ah mad- habka waxa ay til mamen in ay noqonayso xaaraan mas'aladan wa mid ka mid ah masa' isha uu gaarka la noqday mad'habka shaficiyadu

Xadiisku madama In taasi oo ciladood oo aynu sheegnay  ay sugantahay  waxa awood badan in lasoomi karo  nuska danbe ee bisha shacbaan.

Culimada qaarna waxa ay tilmameen:  ugu badnaan hadii uu xadiisku ansaxo waxa uu faa' iidaynayaa in ay karaaho noqonayso,  ciddi ku sii daciifaysaa  ee hadhowna    ay ku adkanayso in uu ramadaan soomo ayaa uu ku saab san yahay.

Post a Comment

0 Comments