![]() |
Waa darsi kale oo ka mid ah.
Kitaabka axkaamta soomka iyo sakaatul fidrida
Waxa aynu ka qaadaynaa SU'AASHA 15aad
SU'AASHA 15AAD :BOOSKA NIYADDU WAA HALKEE, SE IN LAGU DHAWAAQAA SUNNE MATAHAY?
booska niyaddu waa qalbiga, halka wax laga niyeeyana waa isaga. Kudhawaaqidda niyaddu kama mid aha niyadda. Hasa yeeshee, culimada qaarkood waxa ay u jeclaysteen xaadirinta niyadda qalbiga lagu sooxadiriyo in loogu kaashado.
Hase yeeshee, sida saxda ahi waxa aytahay in kudhawaaqidda niyadu aysan sunne ahayn nebiguna salalaahu calayhi wasalam. Masamayn oo wax xadiisa looma haayo,
Saxabadiisi iyana kuma aysan dhawaaqin.
Haddi ay sunne tahyna. Nebiga salalaahu calayhi wasalam. Iyo saxaabadiisa ayaa samayn lahaa. Sida oo kale haddi uu sunne yahay nebiga salalaahu calayhi wasalam- iyo saxaabadiisa ayaa inooga dheerayn lahaa.
Nabigu salalaahu calayhi wasalam- waxa uu yidhi
ان لم يكن نبي قبلي إلا كان حقا عليه أن يدل أمته على خير ما يعلمه لهم ، وينذرهم شر ما يعلمه،
،، allah nabi masoo dirin , illaa waxa uu aha mid umadiisa u sheega wax kasta oo wanaag uu u og yahay, uga na diga wax kasta oo uu xumaan uu u ogyahay;;
SU'AASHA 16AAD: QOFKII HABEEN NIMADII AAN OGAAN RAMADAAN IN AY BILATAY EE KELIYA SUBAXNIMADI KU WAR HELAY, MAXA UU YELAYAA?
qofka habeenimadii an ogayn in ay ramadaan bilatey seexda, kadib subaxnimadi ogaada , waxa saaran maalintaa inta kadhiman in uu afka haysto oo sidii mid sooman oo kale uu ahaado.
Nebiguna .salalaahu calayhi wasalam -
Markii uu kahadlayey cashuura waqtigii ay waajibka ahayd waxa uu yidhi:-
,, من كان أصبح صائما، فليتم صومه، ومن كان أصبح مفطرا، فليتم بقية يومه،،
,, KUKASTA OO WABARIISTA ISAGA OO SOOMAN, HADHAMAYSTIRO SOOMKIISA, KII WAX CUNAYAYNA YANU WAXBA CUNIN MAALINTA INTA KAHADHAY,,
Qofkaa sida oo kale waxa lagu yeelanaya in uu soo qalleeyo maalintaa ogaansho la aanta ama cudur daarka uga tagtay
0 Comments