![]() |
بسم الله الرحمن الرحيم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
MANTA IYO DARSI KALE OO KAMID AH DERSIYADII AXKAAMTA SOOMKA ,IYO SAKAATUL FIDRIDA.
SU'AASHA 17AAD:
SOOMKII RAMADAAN HADDII UU QOFKU KASHAKIYO IN UU WAAGA KAHOR NIYADDA LAYIMI IYO IN UU WAAGA KADIB LAYIMID, MUXUU YEELAYAA?
qofka aan soonka niyoon kahor waaga, soon u xidhmaayaa majiro.,, markaas niyayntu waa in ay kahor dhacdaa waaga barigiisa. Haddii uu qofku kashakiyo in uu waaga kahor niyeeyay iyo in kale, wax soona oo u guntamayaa majiro.sababta oo ah, waxa hubaal lo ogaa waxa ay ahayd in uu san niyayn , haddii uu kadib meesha shaki yimid, shakigu waxa hubaasha loo garanayo oo ahayd in uu san niyayn meesha qacidada sharciga ahi waxa aytahay:
,, اليقين لا يزول بالشك،،
(( SHAYGA LAHUBAA SHAKI KUMA TAGO))
SU'AASHA 18AAD: QOFBAA RAMADAAN INTII AYSAN SOOGELIN GO'AANSADAY IN UU ACMAAL BADAN OO KHAYRA KAGA FAA' IIDAYSTO KADIBNA SHAQO AYAA USOO BAXDAY, SHAQADIINA SAFFARO BADAN AYA AY KEENSATAY OO ACMAASHII UU GO'AAN SADAY IN UU LAYIMADDO WAA LAWADA IMAN KARI WAAYAY, QOFKAAS NIYADIISA HORE AJAR MAKU HELAYAA?
Qofkaas haddi uu sidaas go'aan saday kadibna cudurdaar ama safar kasoo dhexgalay , ajarka niyaddiisa waa uu helayaa. Nebiguna salalaahu calayhi wasalam. waxa uu yidhi:-
،، إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى،، أخرجه الشيخان.
(( CAMALADU WAXA AY KU ASAXAAN NIYADDA, QOF WALBA WAXA UU NIYOODO AYAA USUGNAADAY))
waxa sidaas lamid ah, qofkii xanuunsaday ama safray cadadiisuna ahayd in uu khayraad badan layimaaddo, isna ajarka uu markuu cafimadka qabay shaqaysan jiray oo kale aya loo qorayaa .
Nebigu salalaahu calayhi wasalam . waxa uu sidoo kale yidhi:-
، اذا مرض العبد ،او سافر
كتب له مثل ما كان يعمل مقيما صحيحا،،
(( QOFKU HADDI UU XANUUNSADO AMA SAFRO, WAXA LOO QORAYA XAGA AJARKA IN LEEG INATA UU LA IMAN JIRAY MARKA UU CAFIMAADKA QABAY EE UU NEGAA.,,
Qofkaas ahddi uu awoodi karo waxa u habboon salatul laylka waxa uu ka awoodi karo in uu kala yimaaddo.
SU'AASHA 19AAD:
HADDI UU QOFKU SOONKA FIIDKA SINIYEEYO , INTA KADHIMAN WAAGA WAX MASII CUNI KARAA?
Qofku haddi uu soonka fiidka siiniyeeyo, majiro daliil udidaya in uu wax sii cuno inta waaga kadhiman.waqtiga kahorreya waaga ee habeenka ah waa ay ubanaanyihiin in qofku uu sameeyo wixii xalasha u ahaa. Sida cunitaanka cabitaanka in uu utago xaaskiisa.
0 Comments