LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

AXKAAMTA SOONKA

 


بسم الله الرحمن الرحيم 

السلام عليكم ورحمة الله وبركاتة 


WAXA AYNU KU GUDAJIRNAY CASHARADEENI TAXANAHA  AHAA   MANTANA WAXA AYNU  QADANAYNAA CASHAR KAMID AH CASHARADENI .


SU'SHA 56AAD:  ILIG MALOO BUUXIN KARAA QOF SOOMAN, SUUXDINTA LASUUXINAYO SOONTISA WAX MAYEELAYSAA?


 ilig  waa loo buuxin karaa qof sooman.soonkiisana waxba yeelimayso. sababta oo ah, buuxinta iligu ma ah  cabbitaan iyo cunitaanba kamana dhigna.


irbada suuxdinta  ah ee iligga lagu mudayaa soonkisa waxba yeelimayso haddii anay hoos uga dhadhicin dhuunta,   oo uurkiisa( calooshiisa)  aanay tegin.


SU'SHA 57AAD:  ILIG DHUUXA MALOOGA DILI KARAA QOFKA ISAGA OO SOOMAN? 

  ilig dhuuxa waa looga dili karaa qofka isaga oo sooman, wax dhib ahina kuma sugna. soonkiisana waxba yeelimaayso haddii aanu   waxba dhuunta hood ugu dhaadhicin.


SU'SHA 58AAD:  DHIIGA YAR EE QOFKA SHAYBAADHKA LAGA QADAA SOONKA MAKA BURINAYAA?


 dhiiga yar ee qofka isaga oo sooman shaybaadh ahaan looga  qado, soonkiisa waxba yeelimaayo.


SU'SHA  59AAD: DHIIG MASHUBI KARAA QOFKU ISAGA OO SOOMAN?

mas'aladan   waxa ay farac katahy  mas'aladda toobinka oo culimada in toobinku  soonka burinayo qabtaa. waxa ay qabaan in dhiiga lashubaa  iyana in ay soonka burinayso, Balse, sida awooda badan  baddanka culimaduna ay qabaan waxa ay tahay in aanu soonka burinayn shubitaanka dhiggu sila mid ah sida  toobinka.


SU'SHA 60AAD: IRBADAHA MALA QAADAN KARAA WAQTIGA LA SOOMAN YAHAY?

 

 irbadaha talaalka iyo irbadaha kale waa laqadan karaawaqtiga lasoomanyahay, montane kuwa booska cuntada galeya ee loo qato in ay qofka kadeeqaan cunista iyo cabbista. kuwaasi soonka waa ay jabinayaan,Hase yeeshee, irbadaha irbadaha kale oo aanu qofku kahelayn. awwoodi cuntada iyo cabbitaanka,wax dhib ah kuma sugna in la qaato



SU'SHA 61AAD:  DAWADA INDHAHA LAGU SHUBTAA SOONKA MAJABINAYSAA? ?

 culimadu  mas'aladan  xukun keeda waa ay isku khilaafeen Hase yeeshee, sida xoogga badani waa in dawada indhaha lagu shushubtaa soonka aanay jabineyn. ( BURINAYN)  sababta oo ah, dawada indhuhu ma aha cunto ama cabitaan mana aha mid lamid ah cunitaan iyo cabitaan oo wax tarkoodii oo kale laga helayo.daliil sheegayana in ay burinayso lama hayo. shaygana lama odhan karo soonka waa burinayaa, montane in loo helo daliil sheegaya in uu burinayo


Ilahay haynagu sugo xaqa kuwa akhrista ee ka faa istana haynaga dhigo

Post a Comment

0 Comments