LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

AXKAAMTA SOONKA

 




بسم الله الرحمن الرحيم 

السلام عليكم ورحمة الله وبركاتة 


WAXA AYNU SIWADAN DOONNA CASHARADENI TAXANAHA AHAYD KUWAA SOO KUSABSANAA AXKAAMTA SOONKA .

 

SU'AASHA 62AAD:  GAALNIMADU MA BURISAA SOONKA?


 gaalinimadu soonka waa ay burisaa. sababta oo ah, gaalnimadu camalka waa ay burisaa. culimada qaar waxa ay sheegeen in gaalnimadu camalka buriso  marka uu qofku ku sugan  ku dhinto. taasna waa sida laga fahmayo aayadda:


[وَمَن  يَرْتَدِدْ  مِنكُم  عَن دِينِهِ فَيَمُت هَوُ كَافِر فألـٰئك حَبِطَتْ أعْمَـٰلُهُم ]


،، ku kasta oo diintiisa,( ISLAMKA)  kagaalooba, kadibna gaalnimada kudhinta, kaas camalkiisu waa uu burey.,,


Hase ahaatee, mas'aladan  waa mid  gaar ah, oo camalka cibadada ah, ee qofku waqtigaas   isaga oo ku guda jira uu kudhoco gaalnimada,waa uu jabayaa umana  shardi aha in uu kudhinto. sidaas awgeed ayaa uu soonku u JABAYAA marka uu qofku gaaloobo. Allah waxa uu yidhi:-

[وَمَن يَكْفُر بِالإيمَانِ  فَقَدَحَبِطَ عَمَلُهُ وَهُو  فِي الآخِرَةِ مِنَ الخَـٰسِرِينَ]


 [ KU KASTA OO  GAALOOBA, CAMALKIISU WAA UU BURAY, AAKHIRANA KUWA KHASAARAY AYAA UU KA MID YAHAY]



SU'AASHA 63AAD:  QOFKU HADDII ISAGA OO SOOMAN UU SUUXO,SOONKU MAKA JABAYAA?


qofkaa xaalkiisa laba xaalo ayaa loo kala qadayaa;

1)  XAALADA 1AAD:  in uu suuxay kadibna maalinta guda heedii uu soomiiraabay. qofkaas culimadu waxa ay tilmaameen in uu san soonku ka bureyn.


2) XAALADA 2AAD:  in uu sooxay maalinta oo dhana sidaas ku sugnaa illaa uu gabalku kadhacayay. qofkaas isaga soonku waa uu kajabayaa, maalintaasna waa inbuu soo qalleeyaa.


SU'AASHA 64AAD:  BUURIGA SOONKA MA JEBIYA? 

buuriga soonka waa jabiya. waxasidaas lamid ah oo isna soonka burinaya sigaarka. waxa dhacda dad ka qaar in ay sigaarka iyaga  oo sooman iska cabban iyaga oo let cuntana ma aha cabbitaana ma aha, ee waa qiiq ama waa hawo. sigaarku soonka waa jabinayaa oo shay miisan leh ayaa uu qofku kudhacayaa hawo keliyana ma ahee wax ayaa lasocda, waana waxa raadaynta keenaya. waxana sidoo kale lagu magacaaba marka la isticmaalayo cabbitaan.


buuriga iyo sigaarka labaduba soonka waa ay burinayaan  mana banana in laysticmaalo iyada oo la sooman yahay iyo iyada oo aan lasoomanaynba. sababta oo ah, waa xaaraan. qaacidada sharciga ahna waxa aytahay;

(مَاكَثُرَ ضَرَرُهُ علَى  نَفْعِهِ فَهُوَ حَرَام)

،،WAX KASTA OO  DHIBTIISU DHEEFTIISA AY KABADATAA WAA XAARAAN;,


SU'AASHA 65AAD: SAFARKA LAGU AFURI KARAA WAA KA INTEE JIRA?


mas'aladan  culimadu waxa ay ugu  kala tageen laba aragtiyood. Hase yeeshee, aragtida sii fiicani waxa ay tahay, majirto TIRO go'an oo masaafo ah oo sharcigu xadiday,sidaas awgeed wax kasta oo curfiga loo yaqqaano safar, waa lagu helayaa cudur daarkii safarka . waxaa daliil u ah haddalja Allah uu yidhi:-

[وَمَن كاَنَ مَرِيضًا أو عَلىَ سَفَرٍ فَعِدَّةُ مِن أيَّامٍ أخَرَ]


،،KUKASTA OO XANUUN  AMA SAFAR KU SUGNAADEY OO AFURA, WAXAA SAARAN SOONKA MAALMO KALE,,


NEBIGU SALLALAAHU CALEYHI WASALAM . WAXA LAGA WERIYAY:-

كان رسول الله  .صلى الله عليه وسلم  اذا خرج مسيرة ثلاثة أميال  او ثلاثةفراسخ ( شعبة الشاك) صلى ركعتين،، اخرجه  مسلم 


CABDILAHI IBNU CUMAR OO SAXABADA NEBIGA KA MID AH WAXA UU YIDHI:-

(لو خرجت ميلا قصرت الصلاة ) صحيحه الحافظ في الفتح والإنسانية في سبل السلام. 

،، HADDI  AAN HAL MAYL ( 1.6KM) BIXI LAHAA SALLAADA WAAN GAABIN LAHAA,,


CASHARKEENI HALKAAS AYUU INIOOGU JOOGAYA MANTA  HADDI ALLE KADHIGO EE KA FAA IDAYSTA

Post a Comment

0 Comments